Wararka
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo hadal cajiib ah ka yiri Furitanka Kalfadhiga 8-aad ee Golaha Shacabka.
Xarunta Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka ee Villa Hargaysa waxaa ka furmay Kulankii 7-aad ee Kalfadhiga 8-aad ee Golaha Shacabka oo uu shir guddoomiyay Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.
Ajendaha Kulanka maanta Looga Doodaya ayaa kale ah Akh 1aad ee Miisaaniyadda 2021 iyo Akh 2aad H/Sh Dhismaha Hay’adda Dhiirigalinta Maalgashiga.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu sii shaqeynayo inta laga helayo Baarlamaan bedela midka uu hada hogaamiyo isla markaana la dhaarinayo Baarlamaanka 11-aad.
Guddoomiye Mursal ayaa hadalkaan ka sheegay kulan hada ka socda xarunta Golaha Shacabka ee arrimaha miisaaniyadda 2021 looga hadlayo.