Wararka

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada hoose oo kormeeray degaanka Shalaanbood.

Ibraahim Aaden Cali Najax Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada hoose, iyo mas’uuliyiin uu hoggaaminayo,ayaa  kormeer shaqo ku tagay degaanka Shalaanbood iyo Tuulooyinka hoos yimaado.

Guddoomiyaha waxaa socdaalkiisa ku wehlinayay, Guddoomiye ku xigeenka Gobolka, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka,Guddoomiyaha Degmada Marka iyo ku xigeennadiisa iyo Guddoomiyaha Degmada Qoryooleey.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada hoose Ibraahim Aaden Cali (Najax) ayaa sheegay in booqashada ay ku tageen Magaalada qeybaheeda kala duwan, sida Isbitaalka iyo qayba kalo oo muhiimka ah.

Ibraahim Aaden Cali (Najax) ayaa sidoo kale sheegay in ay kulmeen , mas’uuliyiinta degaanka, Saraakiisha laamaha ammaanka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan, isla markaana ay kala hadleen sidii si wada jir ah laysaga kaashan lahaa nabad gelyada.

“Amni iyo maamulba waxaan ku ballannay in aan ka shaqeyno midnimada Shacabka Gobolka Shabeellada hoose, oo aan dambiilayaashana loo oggolaanin in ay helaan gabbaad Qabiil” ayuu yiri Guddoomiye Najax.

Guddoomiye Najax ayaa sheegay in ay wadaan dedaallo dib u heshiisiin ah oo bulshada laga wacyi galinaayo dhibaatada colaad ay leedahay taas oo ragaadisay Gobolka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close