Wararka

Guddoomiyaha Gobolka Gedo oo gaaray Deegaanka Gedweyne oo dhawaan uu saameeyay fatahada wabiga Jubba.

Wafti uu hoggaaminaayo Gudoomiye kuxigeenka gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji Macalimuu, Ayaa Gaaray Deegaanka Gedweyne, Waxaana Waftiga Qeyb Ka ahaa, Taliyaha Ciidanka xasilinta Bakaal Kooke, Taliyaha booliska gobolka Abdulkadir Biixi.

Waftigan Ayaa Waxaa si heersare ah u Soo Dhaweeyey, Maamulka Deegaanka Gedweyne, Qaybaha Kala Duwan Ee Bulshada Ku Nool Deegaankaasi iyo masuuliyiin ay kamid yihiin Gudoomiyaha Degmada Dolow Somaliya, Cali Farxaan Faarax Mire Abaanduulaha Ciidanka, Guutada Gorgor Ee Somaliya, Cumar Deeq, Xildhibaan Hore, Cabdifitaax Nuur Mataan, Taliyaha Ciidamada Xasilinta Degmada Dolow Iyo Masuliyiin Kale.

Ujeedka wafdigaan ayaa aheyd sidii au ugu kuurgali lahayeen xaaladaha amniga, nabad galyada waxaa ayna kormeer ku tageen goobaha kaabayaasha Caafimaadka, Waxbarashada, Xarunta Maamulka Iyo Saldhiga Deegaankaasi.

Ugu horeyn Gudoomiyaha Deegaanka Gedweyne, Yuusuf Dirir Cabdinuur Ayaa Waftigan Ugu Warbixiyey, Hormarka, Nabada, Ka Jira Deegaankan, Isagoona Sidoo Kale Ka Warbixyey, saamaynta  fatahaada wabiga Jubba uu ka gaystay deegankaasi.

Sidoo Kale, Gudoomiye Ku Xigeenka Gobolka Gedo, Cusmaan Xaaji Macalimuu, Ayaa U Mahad Celiyey, Maamulka Iyo Shacabka Sidii Wanaagsanayd U Soo Dhaweeyeen, Isagoona Dhanka Kale, Sheegay, In Baahiyaha Gaarka ah ee Ka Jirta Deegaanka Gedweyne Inuu La Wadaagi Doono Dowlada Federaalka Soomaaliya, Iyo Haayadaha Samafalka ee Degan Gobolka Gedo.Image may contain: 9 people, people standing, hat and outdoorImage may contain: 5 people, people standing and outdoorImage may contain: 5 people, people standingImage may contain: 5 people, people standing, sky and outdoorImage may contain: one or more people, sky, tree, car, outdoor and nature

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close