Wararka

Guddoomiyaha Gobolka Banadir oo kulan la qaatay Guddoomiyaha degmada Warta-.

Guddoomiyaha Gobolka Banadir ahna duqa Magaalada Mugdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha degmada Warta-Nabada Seynab Maxamud Warsame (Xaabzey) oo kamid aheed guddoomiyayaashi ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxii ka dhaxay xarunta dowlada Hoose ee Xamar.

Guddoomiya Gobolka Banadir ayaa guddoomiyaha degmada Warta-Nabada Seynab Maxamud Warsame (Xaabzey) ku amaanay Doorkii ay ka qaadatay difaaca karaamada iyo qarannimada umada Soomaaliyeed waa sida uu ku qoray Bartiisa Facebook-ga.

“ofkaste oo muwaadin ah ayey waajib ku tahay inuu naftiisa, xoogiisa iyo hantidiisaba u huro dalkiisa iyo dad kiisa, waxaana ku amaanaya guddoomiyaha degmada Warta-Nabada Seynab Maxamud Warsame (Xaabzey) doorka lama ilaabanka ah oo ay ka qaadatay difaaca karaamada iyo qarannimada umada Soomaaliyeed”. ayuu Yiri Guddoomiye Cumar Maxamuud.Image may contain: 3 people, people standing and suitImage may contain: 2 people, people sitting, suit and indoorImage may contain: 1 person, sitting and indoorImage may contain: 2 people, people sitting, table, suit and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close