Wararka
Guddoomiyaha Gobolka Banadir oo kulan la qaatay Ganacsatada ka socotay Turkiga.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xalay kulan Casha Sharaf ah La Qaatay Ganacsata ka Socoto Dalka Turkiga.
Ganacsatadan Ka Socotay Dalka Turkiga iyo Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Filish ayaa Kawada Hadlay Sidii Maalgashi Loogu Sameyn Lahaa Caasimadda iyo iskaashi La xariira Horumarinta Kobaca Dhaqaalaha.
Ganacsatadaan ayaa maalmihii ugu danbeeyay ku sugnaa caasimada Dalka waxaa ayna kulamo sidaan oo kale la qaateen ganacsatada Soomaaliyeed ee dhiggooda ah waxaa ayna kawada hadleen sidii labada dhinac u yeelan lahayeen ganacsi waxtar leh.