Wararka

Guddoomiyaha Gobolka Banadir oo Booqday Barakacyaasha Roobabka sameeyeen.

Guddoomiyaha Gobolka Banadir iyo ku-xigeenadiisa ayaa xalay kormeer ku tagay Dhamaan 17-ka degmo ee Gobolka Banadir, gurya ay ku noolaayeen dad barakacyaal ah iyo qaar kamid ah waddooyinka caasimada Muqdisho oo uu bur-bur xoogaan soo gaaray kadib roobab lixaad leh oo xalay ka da’ay Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) yaa ugu horeyn booqday dhismihii hore ee wasaarada arimaha gudaha ee degmada Boondheere oo ay kunoolaayeen dad barakacayaal waxaana kusoo dubay dhismaha ay daganaayeen iyadoo laga soo saaray laba ruux oo dhismahaasi ku hoos jiray kadib iskaashi dhaxmaray waaxda gurmadka deg dega iyo dabdamiska ee D.H.X iyo dadka deegaanka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir ayaa mid mid u booqday guryaha ay kunool yihiin qoysaska danta yar ee uu biyaha roobka gudaha u galeen waxey sidoo kale masuuliyiinta kormeer lug ah kumareen wadooyinka ay biyaha dhigeen roobabkii da’ay.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close