Wararka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xariga kajaray dhismaha Xarunta dhallinyarada degmada Wadajir .

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xariga kajaray dhismaha cusub ee Xarunta dhallinyarada degmada Wadajir iyo masjid lagu cibaadeysto oo laga dhax dhisay xarunta degmada.

munasabada xarig jarka ayaa waxa gobjoog ka ahaa xildhibaano katirsan golaha shacabka barlamaanka fadaralka Soomaaliya, guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale.

Xarigajarka Kadib Munaasabad kooban oo lagu qabtey xarunta degmada islamarkaana ay soo qabanqaabiyeen bulshada ku dhaqan degmada wadajir ee gobolka banaadir ayey ku mujiyeen in ay garab taaganyihiin godomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magalada muqdisho cumar maxamuud maxamed cumar filish.

Cabdiraxman Maxamed Macalin Cali Guddoomiyaha degmada Wadajir ee gobolka banaadir oo munasabadsa ka hadlay ayaa maamulka gobolka Banaadir ka codsaday in ay dib udhis ku sameeyaan wadada Jaala siyaad ee isku xirta degmooyinka Dharkeenley iyo Wadajir wadadaas oo uu ka muuqdo bur bur xoogan.

Xildhibaan Maxamud Cabdullaahi Axmed (Abuukaate) oo munasabada xarig jarka goobjoog ka ahaa ayaa shacabka ugu baaqey in ay garab istaag buuxda u muujiyaan maamulka gobolka banaadir .
ugu dembeyntii Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa munasabada ka sheegay in maamulka gobolka uu wado qorsha lagu dhisaayo wadooyinka magaalada Muqdisho ee bur san taasi qeyb ka qaadaneysa soo celinta bilicda magalada.Image may contain: 7 people, people smiling, people standingImage may contain: 7 people, people smiling, people standing and outdoorImage may contain: 7 people, people smiling, people standing, suit and outdoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close