Wararka
Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xariga ka jaray xarunta baadi qabadka ee xoolaha nool.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xariga ka jaray xarunta baadi qabadka ee xoolaha nool oo lagu sameeyay dib udhis iyo dayactir.
Xarigjarka kadib ayaa duqa magaalada Muqdisho iyo ku-xigeenadiisa waxa ay kormeer ku sameeyeen qeybaha ay xaruntani ka kooban tahay oo u qeybsan sadax qeybood looguna talagalay in lagu ganaaxo xoolaha ku xadgudba bilicda Caasimadda.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowlada hoose Xamar ay waajibaad keeda ka gudan doonto xoolaha magaalada lagu soo fasaxo.