Wararka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo maanta daahfuray munaasbada sano guuradii kasoo wareegtay dib u hoolgalinta schoolka 15-may.

Duqa magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng:Yariisoow) ayaa daah-furay munaasbad loogu dabaal dagaayo hal sano guuradii kasoo wareegtay dib u hoolgalinta schoolka 15-may.

Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa kormeeray fasaladala kala duwan oo ay wax ku bartaan ardayda iyadoo ay xusid mudan tahay in ardaydu si bilaasha ah wax loo baro.

Dugsiga hoose, dhaxe iyo sare ee 15-May ayaa  kamid ah schoolada taariikhiga ah ee kuyaala dalka gaar ahaan caasimadda jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Gormeerka guddoomiyaha gobolka Banaadir waxa ku wehlinaayay Guddoomiyaha degmada Warta Nabada Seynab Maxamuud Warsame (Xaabseey), Agaasimaha guud ee madaxtooyada qaranka Drs Aamina Siciid Cali iyo Guuddoomiye ku-xigeenka arimaha bulshada gobolka Banaadir Basma Caamir Jakeeti.

Masuuliyiinta ayaa dhamaan shegay in aay muhiim tahay in aay ardayda soomaaliyeed dhamaantood helaan waxbarasho lacag la’aan ah ah maadaamada ay yihiin mustaqbal dalka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng:Yariisoow) waxa uu sheegay in maamulkiisa uu xoojin doono dhiiragalinta waxbarashada iyo in ay bulshada helaan waxbarasho lacag la’aan ah.Image may contain: 6 people, people standing and suitImage may contain: one or more people and crowdImage may contain: 11 people, people smiling, people standingImage may contain: 1 person, standingImage may contain: 6 people, close-upImage may contain: 1 person, sunglasses and close-upImage may contain: 11 people, people smilingImage may contain: 7 people, people smiling, people standing and indoorImage may contain: 8 people, people smiling, people sitting

 

 

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close