Wararka
Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kullan gaar ah la qaatay maamulka degmada Howl-wadaag.
Duqa magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Eng:Yariisoow ayaa kulan gaar ah la yeeshay maamulka degmada Howl-Wadaag kaas oo looga hadlaayay Amniga Caasimada gaar ahaan Kan degmada Howl-Wadaag.
Guddoomiyaha ayaa intii uu kulanka socday waxaa uu warxin quseeyso isbadalada amniga ka dhagaystay Guddoomiyahay degmada howl-wadaag isagoo kula dardaarmay maamulka degmada iyo laamaha amniga in la xoojiyo sugida nabadgalyada deegaanka iyo in la horumarinyo isku xirka shacabka iyo hey’adaha amaanka.
Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Eng:Yariisoow oo u mahadceliyay maamulka iyo shacabka ku nool degmada Howl-wadaag ayaa ugu danbeyn kormeeray wadada Ceel Garweyne oo dib udayactir lagu sameeyay.