Wararka

(DAAWO): Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ka qayb galay xuska 2-sano guuradii kazoo wareegatay Qaraxii Soobe.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) iyo guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir oo ka qeyb galay xuska laba sano guurada kazoo wareegatay weerarkii ka dhacay isgoyska Soobe ayaa bulshadii isugu soo baxday isgooska 14-October ku dhiiragaliyay muuqif kooda ku aadan la dagaalanka dadka lidka ku ah Amniga.

Guddoomiyaha ururka Haweenka gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab oo munaasabadda ka hadashay ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday in ay si wadajir ah ula shaqeeyaan laamaha amniga.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo fagaaraha isgooska 14-October Ex-Soobe kula hadlay kumanaanka ee qof ee isku soo baxay ayaa waxa uu sheegay in dhaxdadii goobtaasi ka dhacday laga bartay sida shacaba Soomaaliyeed ay adkeysi ugu leeyihin masuubooyinka iyo in ay marnaba niyad jab ku imaan.

2 SANO KA DIB QARXII SOOBE IYO MUQDISHO

2 SANO KA DIB QARXII SOOBE IYO MUQDISHO

Posted by TUSMO TV on Monday, 14 October 2019

Image may contain: 6 people, people standingImage may contain: 2 people, people standing, crowd and outdoorImage may contain: 4 people, people standing, people walking, crowd, shoes and outdoorImage may contain: 1 person, standing, crowd and outdoorImage may contain: 53 people, people smiling, people standing and crowdImage may contain: 5 people, people standing and text

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close