Wararka

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banadir oo kormeer ku tagay xarunta waaxda dabdamiska ee dowlada hoose Xamar.

Guddoomiyaha cusub ee Bobolka Banadir ahna duqa Caasimada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kormeer ku tagay Xarunta waaxda dabdamiska ee dowlada hoose Xamar waxaa uuna halkaasi ugu kuur galaayay sida ay u howl galaan howl wadeenada waaxdaasi iyo baahiyaha ka jira adeegayada la xariira gurmadka degdega ah ee dab-damiska.

Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish), duqa Caasimada Muqdisho ayaa booqaadin usoo jeediyay madaxda iyo shaqaalaha waaxda dabdamiska iyo waaxda gaadiidka gobolka Banaadir isagoo ugu mahadceliyay howlaha muhiimka ah oo ay u hayaan bulshada caasimada ku dhaqan waxaa uuna intaasi sii raaciyayin in maamulkiisa uu wax kaqaban doono baahiyaha ay soo gudbiyaan waaxahaasi.

Dhanka kale Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale  kormeer ku tagay  xarunta gaadiidka dowlada hoose Xamar iyo xarunta wakaalada horumarinta dhismaha Qaranka Soomaaliyeed halkaasi oo kusoo dhaweeyay maareeyaha guud ee Wakaalada dhismaha Soomaaliyeed S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) iyadoo kormeerka ay qeyb ka ahaayeen guddoomiye ku-xigeenada gobolka Banaadir iyo Xog’hayaha guud ee gobolka.Image may contain: 3 people, people standing and outdoorImage may contain: 5 people, people standingImage may contain: 8 people, people smiling, people standing and outdoorImage may contain: 7 people, people standing, suit and outdoorImage may contain: 4 people, people standingImage may contain: 3 people, people sitting, table and indoorImage may contain: sky, cloud and outdoor

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close