Wararka
Guddoomiyaha Aqalka Sare oo kulan la qaatay Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan.
Guddoomiyaha iyo Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaali ayaa ka wada hadleen xaalada Guud ee Dalka iyo Doorashooyinka la filayo in ay ka qabsoonta dalka damaadka sanadka 2020.
Gudoomiyaha Aqalka Sare oo u mahadceliyay wakiilka ayaa codsaday in la dardargaliyo howlaha horumarinta Soomaaliya gaar ahaan dhanka doorashooyinka.