Wararka
Guddomiyaha gobalka Gedo oo kulan la qaatay Safiirka Maraykanka u Jooga Soomaaliya.

Guddomiyaha gobalka Gedo Mohamed Mohumed ayaa maanta xafiiskiisa ku booqday Safiirka Maraykanka u jooga soomaaliya Amb.Donald Yamamoto.
Kulanka ayaa intii uu socday waxaa ay labada dhinac kawada hadleen guud ahan siyasada dalka, amniga iyo bahiyaha bini’adanimo ee ka jiro Soomaliya gaar ahan gobalka Gedo oo ay maalmihii ugu danbeeyay ay kasoo yeerayeen xaalada abaareed iyo baahiyaha dadka kasoo baracay abaaraha iyo dagaalada u dhaxeeyo dowlada iyo Al-shabeeb ee gobolka ka socda.
Gaba gabada kulanka uu Goddoomiye Mohamed Mohumed la yeeshay Ambassador Donald Yamamoto ayaa kusoo is afgarad iyo in dowlada Maraykanka ay kaalinteeda ka qaadan doonta sidii loogu gar gaari lahaa dadka ku tabaalaysan Deganada Gobolma Gedo.