Wararka
Guddiyadda doorashada oo ka shiray qabsoomidda doorasha Aqalka sare ee Hirshabelle.
Guddiga maamulka Doorashada heer dowlad goboleed Hirshabele ayaa Kulan la qaatay Guddiga Baarlamaanka Hirshabele ee qaabilsan Qabashada doorashada Aqalka Sare.
Ujeeedka kulanka ayaa ahaa dardargelinta qabsoomida Doorashada Aqalka sare oo la filaayo in maalmaha soo socda ay ka qabsoonto Dowlad goboleedka Hirshabelle.
Sidoo kale Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Dr Abdihakim Luqmaan Xaaji Maxamed iyo ku xigeen kiisa 1aad Siraaji Sheekh Isxaaq.