Wararka

Guddigii xaqiiqa raadinta Dowlad Goboleedka KGS oo dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo.

Waxaa maanta Magaalada Baydhabo Ee Xaruunta Gobolka Baay dib ugu laabtay Guddigii xaqiiqa raadinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya kuwaas oo Howlo shaqo Ugu Maqanaa Deeganada Galmudug,iyo puntland, si ay usoo ogaadaan xaqiiqada Dhabta ah dhacdooyinkii ka dhacay Deegaanadaasi.

guddigaan yaa ay safaro kala duwan ay ku tageen Deeganada Puntland iyo Galmudug iyagoona Kulumo kala duwan la qaatey Bulshada Ka soo jeeda koonfur Galbeed ,iyo Madaxda maamuladaasi.

Af-hayeenka Guddiga xaqiiqa raadinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Abdullahi Adan Black ayaa ka warbixiyay socdaalkii ay ku tageen deeganada Galmudug iyo Puntland iyo waxyaabihii ay halkaas kula soo kulmeen.

Wasiirka Garsoorka ,iyo Cadaaladda dowlad Goboleedka Galmudug ahna Gudoomiyaha Guddiga Xaqiiqa raadinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Xuseen Xasan ayaa umahadceliyay Mas’uliyiintii ku soo dhaweysay garoonka waxaa uuna sheegay in safar koodi ay ku tageen Galmudug iyo Puntaln uu ku soo idlaaday is afgarad.Image may contain: 2 people, people smiling, people standingImage may contain: 4 people, people standing and suitImage may contain: 6 people, people smiling, people standing, suit and outdoorImage may contain: 4 people, people standing, suit and outdoorImage may contain: 1 person, standing, sky, ocean, suit and outdoorImage may contain: 2 people, people standing and outdoor

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close