Wararka

Guddigii Wasiirada ee ra’iisal wasaare khayre u xil saaray qorshaha amniga caasimadda oo xalay kulan ku yeeshay degmada Wadajir.

Waxaa xalay degmada Wadajir kulankii u horeeyay ku yeeshay Guddi Wasiiro ah oo Ra’iisul Wasaare Kheyre u xil saaray ka soo tala bixinta qorshaha Amniga Caasimadda, kuwaasoo qiimeyn iyo indha indheyn ku sameeyay xaalada amniga degmada Wadajir.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya,Wasiirka Gaashaandhiga,Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha,Wasiirka Kalluumeysiga,Wasiirka Batroolka,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir,Wasiiru Dowlaha Waxbarashada,Wasiiru Dowlaha Duulista Hawada,Guddoomiye ku-xigeenada iyo Saraakiisha saldhigyada Booliska Gobolka Banaadir.

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa ka warbixiyay waxyaabaha looga hadlay kulanka iyo howlgalada ay ciidanka ka wadaan magaalada Muqdisho.

“Shirkii ugu horeeyay guddiga waxay noogu yimaadeen degmada Wadajir,waxaana warbixin ka siinay xaaladda guud ee degmada Wadajir iyo baahiyaha degmada ay qabto si loo sugo ama loo dardar geliyo amniga,guddigu waxay tageen isgoysyada kala duwan ee degmada Wadajir oo ay ka howlgalaan ciidamada loogu talagalay iney sugaan amniga si ay u ogaadaan xaaladaha ay ku sugan yihiin ciidanka iyo baahiyaha ay qabaan ee ay tahay in Xukuumadda wax ka qabato,”ayuu yiri Guddoomiye Tuulax.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close