Wararka

Guddiga xaqiiqa raadinta dhacdadii ka dhacday Dhuusa-mareeb iyo Galkacyo oo gaaray magaalada Boosaaso.

Waxaa maanta magaala Boosaaso ee xarunta gobolka Bari gaaray Xubnaha Guddiga xaqiiqa raadinta ahaa ee ka kala socday Xildhibaanada golaha shacabka iyo maamulka Koonfur galbeed waxaana halkaasi kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowlad Goboleedka Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaaladaasi ku dhaqan.

Guddiga ayaa magaaladda Boosaaso kulan kula qaatay bulshada kasoo jeeda deegaanadda koonfur Galbeed ee ku nool magaaladaasi iyagoo ka xog wareystay xaalka deegaanadda ay ku noolyihiin iyo hadii ay jiraan caqabado heysta iyagoo intaaasi ka dib kormeeray xabsiyada magaaladaasi oo ay dad eedeymo kala duwan loo heysto ay ku xiranyihiin,waxaana ka hadlay qaar ka mid xildhibaanno, bulshadii iyo waxgaradkii Kulanka ka qeybgay.

Xubnaha Guddiga xaqiiqa raadinta ayaa sidoo kale kulan layeeshay  madaxda Dowlad Goboleedka Puntland oo ay kamid ahayeen wasiirka Dekadaha,Wasiiru Dowlaha wasaaradda Arrimaha gudaha,Guddoomiyaha Gobolka Bari iyo sidoo kale taliska qeybta booliska,waxaana kulanka inta uu socday aad looga hadlay dadka xabsiyada ku xiran iyo dembiyada loo heysto iyo sidoo kale in la kala saaro oo si deg deg dadka xiran maxkamad loo horkeeno si dembiilayaasha ay garsoor cadaalad ah u helaan  kuwii dembi lagu waayana dib xoriyadooda loo siiyo.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close