Wararka
Guddiga Madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka dowlad goboleedka Jubbaland oo shir layeshay Mas’uuliyiin ka socotey xafiiska Qaramada Miboobey ee Soomaaliya
Guddiga Madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa manta kulan laqaatay Mas’uuliyiin ka socotey xafiiska Qaramada Miboobey ee Soomaaliya gaar ahaan xafiiska Kismaayo.
Kulanka waxaa lagu hadlay arrimo badan oo labada dhinac khuseeya iyadoona guddiga Madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland ay hanaankooda shaqo la wadaageen Mas’uuliyiintii ka socotey xafiiska Jamciyadda Quruumaha ka dhaxeysa.
Dr Xamsa Cabdi Barre guddoomiyaha gudiga Madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland oo Warbaahinta la hadlay ayaa sharaxey waxyaabaha ay kawada hadleen Mas’uuliyiinta xafiiska UN-ka ka socdey.
Dr Xamsa Cabdi Barre guddoomiyaha gudiga Madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland oo kulanka ka dib Warbaahinta la hadlay ayaa sharaxey waxyaabaha ay wada hadleen Mas’uuliyiinta xafiiska UN-ka ka socdey isagoona dhanka kale sheegay in wax walba sidii loo baahnaa ay u socdaan.
Dr Dr Magnus Bajarnasoon oo ah madaxa Xafiiska Qaramada Midoobey ee Magaalada Kismaayo ayaa dhankiisa sheegay in shaqa wanagsan ka socota magaalada islamarkaana rajo wanaagsan ka qabaan hanaanka uu u shaqo bilaabay guddigan.