Wararka
Guddiga Maaliyadda Golaha oo kulan Ku yeesheyn Xarunta Guddiga.
Guddiga Maaliyadda, Miisaaniyadda, Qorshaynta iyo La- Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka iyo Wasaaradda Maaliyadda ayaa maanta oo ay Taariikhdu tahay 16/12/2020 waxay kulan Ku yeesheyn Xarunta Guddiga maaliyadda ee Villa-Hargeisa.
Kulanka waxaa shir guddoominaayay Kusimaha guddoomiyaha ahna guddoomiye ku xigeenka guddiga Xildhibaan Aamina Sheekh Cusmaan, waxaana kulanka intiisa badan looga hadlay miisaaniyadda 2021 oo hada hortaalla Golaha Shacabka.
Dhanka wasaaradda maaliyadda kulanka waxaa ugu qeyb galay Wasiiru dowlaha wasaaradda Maaliyadda Mudane Xildhibaan Maxamuud Xayir Ibraahim, Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda mudane Prof. C/llaahi Sheekh Cali Qaloocoow iyo howl wadeenada wasaaradda maaliyadda.