Wararka

Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka oo kulan la qatay wasiro XFS.

Guddiga Maaliyadda, Miisaaniyadda, Qorshayntaiyo iyo La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka JFS ayaa maanta waxay kulan Kula yeesheen xarunta Guddiga Maaliyadda ee Villa-Hargeysa Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa odorooska Miisaaniyadda 2021-ka wax laga waydiiyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Howlwadeenada Wasaaradda.

Sidoo kale wasiir ku xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Maxamuud Macallin Yaxye iyo Howl Wadeenada Wasaaradda, iyadoo looga hadlay arrimo khuseeya Xajka.

Kulanka waxaa shir guddoominaayey Ku-simaha guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda JFS, ahna guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Xildhibaan Aamina Sheekh Cusmaan.Image may contain: 1 person, sittingImage may contain: 1 personImage may contain: 4 people, people sitting

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close