Wararka
Guddiga maaliyadda ee golaha Shacabka oo Dalka Rwanda ku turxaan-bixiya xeerka Tiro-koobka Soomaaliya.
Guddiga qorsheynta iyo maaliyadda ee golaha Shacabka BJFS ayaa Maalintii Labaad Dalka Rwanda ku turxaan-bixiya xeerka Tiro-koobka Soomaaliya ee hor yaal Golasha Shacabka, kaas oo muhiim u ah aruurinta, kaydinta iyo shaacinta xogta Jamhuuriyadda.
Kulanka shaqada ah waxaa goobjoog ka ah Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Marwo; Fahma Axmed Nur, Xoghayaha joogtada Mudane ; Cabdulqaadir Maxamed Aadan iyo Agaasimaha Guud ee tiro-koobka, Cabdulraxmaan Cumar Daahir.
Dhinaca kale Guddiga ayaa aragtiyo la xariirta xogaha dhinaca dhaqaalaha, tiro-koobka, amniga iyo heerarka uu soo maray Xeerka tiro-koobka Dalka Rwanda oo Dalkaasi ku najaxay u soo bandhigay hay’adda tiro-koobka Rwanda.