Wararka

Guddiga KMG ee soo diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaran oo kulan la qaatay Madaxweynaha Jubbaland.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku marti qaaday Guddiga KMG ee soo diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaran oo maalmahii lasoo dhaafay howlo shaqo u joogay Jubbaland.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay shaqada gudigan iyo waxyaabahii uga qabsoomay howlaha shaqo ee ay Jubbaland u yimaadeen. Sidoo kalea waxaa kulanka looga hadlay sidii talooyinka iyo aragtiyada ay Guddigan uruurinayaan ay u noqon lahayd mid ka turjumaysa rabitaanka dadka Soomaaliyeed.

Guddiga KMG ee soo diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaran ayaa intii ay ku sugnaayeen Magaalada Kismayo waxaa ay kulamo la qaateen Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland, Golaha Wasiirada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada iyagoo kulankii ugu danbeeyay ay maanta la qaateen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.Image may contain: 2 people, people sitting and tableImage may contain: 2 people, people sitting and indoorImage may contain: 13 people, people smiling, people standing and suit

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close