Wararka

Guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Xildhibaanadda iyo Odayaasha Dhaqanka ee Waqooyi.

Guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka diyaarinta sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka ayaa kulan xarrunta Villa Hargeysa kula qaatay Xildhibaanadda iyo Odayaasha Dhaqanka ee kasoo jeedo Goboladda Waqooyi ee Soomaaliya.

Guddiga ku meel gaarka ah ee ee diyaarinta sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka ayaa kulan la qaatay Xildhibaanadda iyo Odayaasha Dhaqanka ee kasoo jeedo Goboladda Waqooyi ee Soomaaliya.

Kulankaan oo ku saabsanaa sidii ay xildhibaanadaasi iyo odayaasha dhaqanka ay ugu dhiiban lahayeen aragtidooda ku aadan sharciga doorashooyinka Qaranka.

Xildhibaanadda iyo Odayaasha Dhaqanka ee kasoo jeedo Gobolada Waqooyi ayaa guddiga KMG ah ee soo diyaatinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka usoo bandhigay talooyinkooda iyo aragtidooda ku aadan Sharciga Doorashooyinka Qaranka.

gudooomiyaha Guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka Xildhibaan C/Laahi Abuukar Xaaji (Eng.Carab) ayaa Xildhibanada iyo odayaasha ugu mahadceliyay aragtida saliimka ah ee ay ka dhiibteen.

“Marka hore waxa aan idinkaga mahadcelinaynaa sida aad inaga ogolaateen in aan kulankaan wada yeelanno, marka xigto waxaan idiin kaga mahadnaqaynaa sida aad guddiga aad ugu soo bandhigteen talooyinkiina iyo aragtiyadiina wanaagsan ee la xariiro sharciga doorashooyinka qaranka” ayuu yiri Xildhibaan C/Laahi Abuukar Xaaji (Eng.Carab).

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close