Wararka

Guddiga gurmadka fatahaadaha oo ka warbixiyay wixii u qabsoomay tan iyo shalay markii la magacaabay.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa kulan la qaatay guddiga gurmadka fatahaadaha ee shalay uu u magacaabay kuwaas oo ka shaqaynaayo sidii gurmad loogu fidin lahaa dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadaha ka dhashay roobaka.

Guddiga gurmadka fatahaadaha ayaa Ra’iisul Wasaaraha dalka ugu war bixiyay howlihii u qabsoomay tan iyo markii la magacaabay, waxa ayna caddeeyeen in xalay kulan ay yeesheen ay ku sameysteen xeerarkii ay ku shaqeyn lahaayeen, maantana ay magaalada Beledweyne gaarsiiyeen laba diyaarad oo gargaar deg-deg ah wada.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa guddiga ay laba jibbaaraan dadaalka si loo badbaadiyo dadka iyo deegaanka iyo in la adkeeyo amniga deegaannada dadku ka bara keceen iyo deegaannada ay ku bara keceen si bulshadu ay u hesho nabad ay ku noolaato.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close