Wararka
Guddiga ganacsiga Golaha Shacabka oo maanta kullan la qaatay wasiirka wasaarada ganacsiga.
Guddiga ganacsiga, warshadaha iyo dhaqaalaha ee Golaha Shacabka ayaa maanta la kulmay xubno uu hogaaminaayay wasiirka wasaarada ganacsiga ee Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Cali Xasan.
Kullnkaan oo ahaa mid isbarasho guddiga iyo wasiirka, xog wareysi ku saabsanaa shaqada iyo su’aalo weydiin ayaa waxaa uu ka dhacay xafiiska guddiga oo ku yaalla xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho waxaana shir guddoomiyay guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Maxamuud C/raxmaan Beene Beene.
Guddiga ayaa wasiirka weydiiyay su’aalo ku saabsanaa shaqada wasaarada, sharciyada ay isla diyaarinayaan labada dhinac, culeysyada jira, howlaha u qabsoomay wasaarada iyo kuwa ay hada ku howlan tahay waxaa ayna ku balameyn in la dardar geliyo sharciga jaan goynta tayadhowrka iyo xoojinta wada shaqeynta labada dhinac.
Wasiirka wasaarada ganacsiga ee Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Cali Xasan ayaa u mahad celiyay guddiga oo uu ku amaanay sida ay diyaarka ugu yihiin wada shaqeynta wasaarada iyo dardar gelinta shaqooyinka ka dhaxeeya.
Guddoomiyaha guddiga ganacsiga, warshadaha iyo dhaqaalaha ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamuud C/raxmaan Beene Beene ayaa sheegay in guddigooda iyo wasaarada sharciyo muhiim ah ay isla diyaarinayaan, laguna balamay in la dardar geliyo shaqada.