Wararka
Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo dib-u-eegis ku sameeyay cutubyada 10aad iyo 11aad.
Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka FS oo maalmahan u fadhiya dib u eegista Cutubyadii u danbeeyey oo ay horey u gudbiyeen Guddiga Madaxbanaan ayaa waxaa ay shaley iyo maanta soo gabo gabeeyeen cutubyada 10aad iyo 11aad.
Cutubyadaan ayaa ka hadlaya Guddiyada Madaxbanaan iyo Shaqaalaha Rayidka ah ee Dawladda.
Asbuuca soo socda ayaa la filayaa Guddigu inuu ku soo dhameystiro dib u eegista Cutubyada dhiman ka dibna labada Guddi ayaa isla meel dhigi doono haddii ay jiraan kala ra’yi duwanaan iyo inkale.