Wararka
Guddiga Arrimaha Gudaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka
Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobolada iyo Amniga ee Golaha Shacabka ayaa maanta kulan la qaatay Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ).
Ajendaha kulanka ayaa ahaa in Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka laga dhageysto talooyinkooda ku aaddan Wax-ka-beddelka iyo Kabista Sharciga Xisbiyada Siyaasadda ee uu hadda gacanta ku hayo Guddiga Arr. Gudaha, Maamulada Gobolada iyo Amniga ee Golaha Shacabka.
Kulanka waxaa shir-guddoomiyey Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Xil. Maxamed Cabdulle Faarax “Geesey”.