Wararka

Guddiga arrimaha gudaha golaha shacabka oo ka dooday Sharciga Socdaalka.

Guddiga arrimaha gudaha iyo amniga ee golaha shacabka ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Col. Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi).

Kulanka oo ka dhacay xarrunta Villa Hargeysa ayaa ajandihiisu ahaa katashiga Sharciga Socdaalka ee horyaal golaha shacabka.

Agaasimaha hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa guddiga sharaaxaad ka siiyay ahmiyadda uu leeyahay sharciga Socdaalka.

Xubnaha guddiga ayaa sidoo kale waxa ay agaasimaha weydiiyeen su’aalo la xarriiro sharciga Socdaalka dalka.

Ku simaha guddoomiyaha ahna guddoomiye ku xigeenka guddiga arrimaha Gudaha iyo amniga Xildhibaan Maxamed Cabdulle faarax (Geesey) ayaa uga mahadceliyay agaasimaha hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Col.Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) sharaxaada uu guddiga ka siiyay sharciga Socdaalka.Image may contain: 1 person, sitting and stripesImage may contain: 1 person, sitting and tableImage may contain: 1 person, sitting and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close