Wararka
Guddiga arrimaha bulshada ee gollaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Jubbaland oo kulan deg deg ah ka yeeshay abaara laga soo sheegay Gobolka Gedo.

Xilli waayadanba ay isa soo tarayeen qeyla-dhaanta abaareed ee kasoo yeereysay gobolka Gedo iyo qayba ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa maanta kulan deg deg ah iskugu yimaaday guddiga arrimaha bulshada ee gollaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Waxaa maanta Magaalada Kismaayo ee xarunta Kumeel gaarka u ah dowlad Goboleedka Jubbaland kulan deg deg ah isugu yimid guddiga arrimaha bulshada ee gollaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Guddiga arrimaha bulshada ee gollaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa kulankoooda maanta ugu arrinsaday xaaladaha abaareed ee dhawaanahaan kasoo yeeraysay gobolka Gedo iyo qayba ka mid ah gobolka Jubbada Hoose.
Guddiga oo si qota dheer faahfaahin uga bixiyay goobaha ay sida gaar ah uga taaganyihiin abaaruhu ayaa sheegay in si gaar ah saameyn ugu yeesheen dadka xoola dhaqatada ah waxaa ayna baaq u direen Dowladda Federaalka Soomaaliya,Dowlad Goboleedka Jubbaland,Hay’adaha samafalka in si deg deg ah gacan looga geysto abaaraha ka taagan deegaanada Jubbaland gaar ahaan Gobolka Gedo oo ay qayla dhaanta ugu badani ka timid.