Wararka

Guddi loo xil saaray barista dhacdadii dhawaan ka dhacday Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Galkacyo oo gaaray Galkacyo.

Wafdi ka kooban laba qayb oo ka kala socda golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa gaarey magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Labadaan guddi waxaa kala hoggaaminaayay Xildhibaan Ali Axmed Jamac (Jangali) iyo Wasirka Wasaaradda Cadaaladda Dowlad Goboleedka Koonur Galbeed Maxamed Xuseen Xasan waxaa ayna ka kooban yihiin 13 xildhibaan oo uu dhawaan magacabay Guddoomiyaha Golaha shacabka BJFS iyo guddi uu dhawaan soo magacaabay madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Goboleedka Soomaaliya.

Guddiga waxaa garoonka diyaaradaha Galkacayo ku soo dhaweeyey mas’uuliyiinta maamulka gobolka iyo kan degmada Gaalkacayo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo qaybta Galmudug oo warbaahinta la hadlay soo dhaweynta guddiga ka dib ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin waxaa uuna intaasi ku daray in ay kala shaqqyn doonaan sidii loogu guuleysan lahaa barista dhibaatadii  14kii bishan dhibaatadii ka dhacadey Galkacayo iyo Dhuusamareeb.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close