Wararka

Golayaasha sharci dajinta ee Somaliland oo maanta kulan ka yeeshay go’aankii madaxweynaha

Golayaasha  Guurtida iyo Wakiilada Somaliland ayaa maanta kulan  deg deg ah si wadajir ah kaga  yeeshay go’aankii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu xaaladda deg deg ah ku geliyay degmooyinka Gar-adag Ceel-afweyn iyo Ceerigaabo oo katirsan gobolka Sanaag.

Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo shir-guddoominayay kulanka ayaa mudanayaasha ka dalbaday in ay cod u qaadan xeerka uu  soo saaray madaxweynuhu ee xaaladda deg deg ah ku geliyay degmooyinka ka tirsan gobolka Sanaag.

Kulanka maanta ay yeesheen Golayaasha  Guurtida iyo Wakiilada Somaliland ayaa waxaa kala fadhiga  soo xaadiray 107 mudane waxaana cod gacan-taag ah loo qaaday ansixinta xeerka xaaladdda deg deg ah, waxaa ogolaaday 40 xildhibaan oo keliya halka aqlabiyadii kale diideen.

guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay in tirinta codadka la qalday waxaa uuna codsaday in mar kale dib loogu laabta waxaana arinkaa ka biya diiday qaar kamida Xildhibaannada wixii kadabeeyayna fadhiga ayaa isu rogay buuq iyo sawaxan. guddoomiye Baashe ayaana  ku dhawaaqay in kulanku xiranyahay oo maalinta Sabtida la isu imaan doono.

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close