Wararka
Golahawa Wakiilada Puntland oo maanta Sualo waydiiyay Wasiirka Cadaaladda Puntland.

Fadhiga 24-aad, Kalfadhiga 46-aad ee Golaha Wakiillada dowlad goboleedka Puntland ayaa goor-dhaweyd si rasmi ah ugu furmay caasimada Garoowe ee Puntland.
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, arrimaha Diinta, Dastuurka & Dhaqan-celinta Puntland, Cawil Shiikh Xaamud, Xeer-ilaaliyaha Guud Puntland Maxamuud Xassan Awcismaan Iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta Cabdullahi Cismaan Liibaan ayaa maanta hortegaya Golaha Wakiillada Puntland, oo su’aalo ka weydiin-doona maxaabiista dambiyadda Burcad-badeedka ugu xiran Puntland.
U yeeridooda ayaa timi ka dib dood sharci ah oo Xildhibaanadda Golaha Wakiillada DPL maalinimadii arbacada ay ka yeesheen U qareemidda xaaladda sharci ee maxaabiista dambiyadda Burcad-badeedka ugu xiran Puntland.