Wararka

Golaha wasirada Puntland oo ka dooday xaalada amaan ee deganada Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Xukuumadda Puntland oo maanta looga hadlay Amniga, xaaladda COVID-19, dhismaha goleyaasha deegaanka iyo la dagaalanka maandooriyaha iyo mobile Furashada.

Wasaaradda Amniga ayaa Golaha la wadaagtay warbixinta xaaladda guud ee Amniga, howlgalada amniga lagu horimarinayo iyo tayeynta iyo tababarada Ciidamada. Sidoo kale waxaa laga hadlay sidii loo dardargelin lahaa howlgalada la dagaalanka maandooriyaha iyo Mobile furashada iyo sidii sharci looga soo saari lahaa.

Wasaaradda arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta ayaa Golaha la wadaagtay Xaaladda degmooyinka Puntland iyo dhismaha goleyaasha deegaanka oo meel wanaagsan maraya. Sidoo kale Wasaaradda Caafimaadka waxay iyana la wadaagtay Golaha Xaaladda Covid19 ee Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa bogaadiyey shaqada socota waxaana uu faray hay’addaha dowladda in lasii dardargeliyo.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close