Wararka
Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo ansixiyay dhoor hindise sharciyeed.
Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedka xamuulka iyo xadaynta cabbirka baabuurta iyo hindise sharciyeedka waddooyinka.
Labada hindise sharciyeed ayaa waxaa soo diyaariyay wasaaradda howlaha guud, guryaynta iyo dib-u-dhiska iyadoo ay maanta meel mariyeen Golaha wasiirrada.
Waxaa kulanaka shir guddoomiyay ra’iisal wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre.
Intii kulanka lagu jiray waxaa darajada safiirnimo loogu dallacsiiyay Muxidiin Maxamed Kaalmooy, Xasan Daahir Dhibil, Xasan Xundubey Jimcaale, Maxamed Isxaaq Ibraahim iyo Maxamed Cali Mire.