Wararka

Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Maanta ansixiyay Qabyo Qoraalka Xeerka.

Fadhigii 53aad ee golaha wasiirrada maamulka Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa waxaa  lagu ansixiyay qabyo qoraalka xeerka ilaalinta xuquuqda carruurta, sidoo kale waxa uu goluhu warbixin ka dhegeystay wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska.

Golaha wasiirrada Somaliland ayaa xeerka ay maanta ansixiyeen lagu dabaqi doono illaalinta xuquuqda carruurta, iyadoo sidoo kale goluhu dood ka yeesheen qabyo qoraalka xeerka maalgashiga qaranka.

 Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska ayaa golaha warbixin ka siiyey waxbarashada dadka baahiyaha gaarka ah, isagoo xusay doorka wasaaradda ee dadkaas, waxaana golaha wasiiradu go’aamiyeen in mudnaan gaara la siiyo.

Ugu danbayn waxa goluhu dood iyo falaqayn ka yeesheen xaaladda guud ee ganacsiga, kala xadaynta ganacsiga, tayada ganacsiga, iyadoo loo saaray guddida dhaqaalaha ee goluhu inay warbixin buuxda ka soo diyaariyaan xaaladda ganacsi ee ka jirto guud ahaan maamulka Somaliland.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close