Wararka

Golaha wasiirada Somaliland oo sheegay in aysan shacabka Somaliland matalin masuuliyiin xilal ka haayo dowlada dhexe.

Madaxweynaha maamulka  Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta shir guddoomiyay Fadhigii 59aad ee golaha wasiirrada Somaliland kaas oo ku qabsoomay habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video Conference) waxaana madaxweynaha kulanka ku wehlinaayay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Seylici).

Ugu horayn waxaa warbiximo laga dhagsytay Guddida ka hortagga iyo la dagaallanka xanuunka COVID-19, guddida nabadaynta shaqaaqadii ka dhacday deegaanka Fadhi-gaab iyo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta Somaliland.

Wasiirka wasaraadda qorshaynta iyo horumarinta Somaliland ayaa golaha uga warbixiyey in deegaanada maamulka Somaliland ay ka socdaan mashaariic ay wadaan hay’adaha caalamiga ah, waxana uu tilmaamay inay jiraan hay’ado isugu daya inay ka fuliyaan mashaariic uu ku lammaan yahay magaca Soomaaliya.

Ugu danbeyn Golaha wasiirada Somaliland ayaa nasiib daro ku tilmaamay Qar-qad ka soo baxday dowlada federaalka Soomaaliya oo lagu sheegay wadatashi laga galiyay arrimaha doorashada lagu wada dalka in ay ka dhacda, masuuliyiin kasoo jeeda deeganada Somaliland waxaa ayna ku tilmaameyn dadkaani in ay shaqo iskood ah u joogaan Muqdisho.Image may contain: 1 person, sitting and indoorImage may contain: one or more people, people sitting and indoorImage may contain: 1 person, sitting and indoorImage may contain: 2 people, people sitting and indoor

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close