Wararka
Golaha wasiirada KGS oo ka hadlay qodoba dhowr ah.
Kulanka khamiislaha ee Golaha Wasiiradda Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaaliya yaa maanta ka dhacay Magaalada Baydhabo ee caasimada kumeel gaarka dowlad goboleedkaasi.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-
gareen ayaa shir gudoomiyey kulanka oo looga hadlay arrimo ay kamid yihiin Amniga, Arimaha gudaha, Cadaalada iyo Haweenka.
Wasiirada Amniga, Arimaha gudaha, Cadaalada, Haweenka, Warfaafinta iyo Kaluumaysiga ayaa warbixin laga dhagaystay taas oo ku saabsan hormar ka uu ku talaabsaday maamulkaasi.