Wararka
Golaha Wasiirada Cusub Ee KGS Oo Maanta La Hor Geynayo Baarlamaanka Maamulkaasi Si Loo Ansixiyo.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta-Gareen Ayaa Maanta Oo Arbaco ah Lagu Wadaa in uu golahiisa Wasiirada Cusub horgeeyo Xildhibaanada Koonfur galbeed si loo ansixiyo.
Kal-fadhiga 7aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa furmay Isniintii la soo dhaafay, waxaana guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye uu xildhibaanada ku war-geliyey in maanta oo Arbaco ah la horkeeni doono Golaha Wasiirada cusub si ay u ansixiyaan.
Diyaar garow ku aadan furitaanka kulanka Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa laga dareemaya magaalada Beydhabo,dhanka kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay in golihiisa cusub ay noqon doonaan kuwa u adeega shacabkooda islamarkaana meel iska dhigi doonaan danahooda gaarka ah.