Wararka

Golaha Wakiillada Puntland oo markale fadhi ka yeshay Xeerka Isgaarsiinta Puntland.

Golaha Wakiillada Puntland ayaa maanta markale yeeshay Fadhiga 12-aad ee Kalfadhiga 47-aad oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan, ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman iyo ku xigeenka 2-aad , Ismaaciil Maxamed Warsame.

Maalintii 2aad ayey Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland dood ka yeesheen Xeerka Isgaarsiinta Puntland kaas oo maanta 24 Qodob oo ka mid ah qodob qodob looga dooday.

Qodobada ugu muhiimsan oo dooda adag ka dhaltay ayaa ka mid ahaa Tartanka suuqa xorta ah, si xun u isticmaalida awooda suuqa, Faafreebka, bixinta lambarada iyo kala-noqoshad ruqsadda.

Xeerka Isgaarsiinta Puntland ayaa ka kooban 38 Qodob waxa uuna bedeli doona xeer sharci Lr. 15 ee 17-12-2007 kuna saabsanaa Isgaarsiinta iyo Khidmadaha, maadama uu la socon waayay horumarka deg degga ah ee ay ku talaabsanayso Isgaarsiinta casriga ah iyo is-bedelka khidmadaha.

Maalinta sabti oo taariikhda ku beegan tahay November 14, 2020 ayaa lagu wadaa in la soo gaba-gabeeyo xeerka Isgaarsiinta Puntland.Image may contain: 1 person, sitting, table and indoorImage may contain: 1 person, sitting, table and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close