Wararka
Golaha Wakiillada Puntland oo bilaabay qorsha ay kula xisabtamiyan golaha wasirada Puntland.

Golaha Wakiillada Dawlad goboleedka Puntland Fadhiga 21-aad ee Kalfadhiga 47-aad ayaa waxaa shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan, ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman iyo ku xigeenka 2-aad, Ismaaciil Maxamed Warsame.
Fadhiga oo Ajandihiisu ahaa La Xisaabtanka Golaha Xukumadda ayaa waxaa hor-yimi Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha Iyo Iskaashiga caalamiga ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange.
Wasiirka oo uu wehliyo Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Cabdiraxmaan Caydiid ayaa ka warbixiyey shaqooyinka Wasaaradda, qorshayaasha u degsan, waxyaabaha u qaab-soomay iyo weliba mashaariicda ka socota guud ahaan Gobollada Puntland.
Intaa ka dib, Xildhibaannada ayaa su’aalo ka weydiiyay arrimaha ay ka hadleen sida uu qabo Dastuurka maamulka Puntland Qodobkiisa 64-aad farqadiisa 17-aad iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL Qodobka 3-aad farqadiisa 17-aad.