Wararka
Golaha Wakiiladda Puntland oo ansixiyay Xeerka Hawlgabka iyo Liiltirka ee Shaqaalaha rayidka Dowlad goboleedka Puntland.

Golaha Wakiiladda Dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta Magaalada Garowe kuyeeshay fadhiga 19-aad, Kalfadhiga 45-aad oo uu shir gudoomiyay Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.
Ajandaha Kulanka maanta ayaa ahaa, meel-marinta Xeerka Hawlgabka iyo Liiltirka ee Shaqaalaha rayidka Dowlad goboleedka Puntland waxaana kulanka soo xaadiray 38 Mudane iyadoo cod gacantaag ah ay sharcigaan ku meel mariyeen 34 xildhibaan waxaana ka aamusay 4 mudane mana jirin cid diiday.
ugu danbayn waxaa kulanka soo xiray Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Dowlad goboleedka Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.