Wararka
Golaha wakiilada Puntland oo yeeshay kulankoodi caadiga ahaa.

Golaha wakiilada dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta Magaalada Garowe ku yeeshay fadhigoodii 18-aad, Kalfadhigiisa 45-aad oo uu shir guddoomiyay Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibrii.
Kulanka maanta ay yeesheen golaha wakiilada Puntland ayaa waxaa Ajandahiisu ahaa; Xeerka Maaraynta Dhulka Magaalooyinka Puntland iyo Xeerka Hawlgabka iyo Liiltirka ee Shaqaalaha rayidka ah ee Dowlad goboleedka Puntland.
Golaha wakiilada Puntland ayaa loo qaybiyay labadaan xeer si ay usoo akhriyaan kadibna ay dib ugu soo celiyaan muddo seddex beri gudahood si ay ugu doodaan kadibna ay u meel mariyaan sharciyadaan.