Wararka
Golaha wakiilada Puntland oo loo qeebiyay Hindise-Xeereedka Dugsiyada Quraanka Kareemka.

Magaalada garowe ee caasimada maaul goboleedka Puntland waxaa gordhaw ka qabsoomay Fadhiga 14-aad ee Kalfadhiga 46-aad Golaha Wakiillada Puntland, uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.
Kulanka waxaa Guddoomiyaha Golaha wakiilada Puntland ku wehlinaayay Guddoomiye ku xigeenka 1aad AVV: Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo ku xigeenka 2-aad, Ismaaciil Maxamed Warsame.
Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ahaa qeybinta Hindise-Xeereedka Dugsiyada Quraanka Kareemka ee Puntland, Xildhibaan Golaha Wakiillada DPL ayaana soo akhrinaya Xeerkaan muddo saddex beri ah.