Wararka
Golaha wakiilada Puntland oo dib u dhigay dhaqan-gelinta Qodobadii ka soo baxay Shirweynihii wada-tashiga Puntland.

Golaha wakiilada dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ku yeeshay Fadhiga 21-aad ee Kalfadhiga 46-aad.
Ajandaha Fadhiga maanta ayaa ahaa dhaqan-gelinta Qodobadii ka soo baxay Shirweynihii wada-tashiga Puntland.
Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland ayaa ka dooday dhaqan-gelinta Qodobadii shirweynihii Wada-tashiga, dood dheer ka dib Xildhibaanadda ayaa isku raacay in dib loo dhigo dhaqan-gelinta Qodobadii ka soo baxay Shirweynihii wada-tashiga Puntland.
Dib-u dhigista dhaqan-gelinta Qodobadii ka soo baxay Shirweynihii wada-tashiga Puntland ayaa keentay tallo-soo jeedinada Xildhibaanadda, maadama uu ka socdo Dhuusamareeb shirka wada-tashiga Dawladda Federalka & Dawladaha xubanha ka ah Dawladda dhexe.