Wararka
Golaha wakiilada Puntland oo Ansixiyay Qodob la xeriira Arrimaha Xuduudaha Puntland.

Xildhibaanada Golaha Wakiilladda dowlad goboleedka Puntland ayaa Maanta Ansixiyey in Qodobka 11-aad ee Arrimaha Xuduudaha Puntland, Gobollada Sool iyo Sanaag lagu daro la Xisaabtanka Xukuumadda.
Golaha Wakiilada Puntland ayaa shaaciyay in ay Xukuumadda kala xisaabtami doonaan gobollada Sool iyo Sanaag, oo qeybo kamid ay gacanta ku hayso Somaliland.
Fadhi ay maanta yeesheen Golaha Wakiilada Puntland ayaa lagu ansixiyay in qodobka 11-aad ee Dastuurka Puntland oo ka hadlaya Xuduudaha lagu daro la xisaabtanka Xukuumadda oo ku jira ajandaha Kalfadhiga 46-aad ee Golaha.
Fadhigii Golaha Wakiilada Puntland waxaa xaadir ku ahaa 36 Mudan, waxaa ogolaaday 35, halka uu ka aamusay 1 Mudane, sida uu ku dhawaaqay Godoomiyaha Golaha wakiilada puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.