Wararka
Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Jubbaland oo ansixiyay Madaxweyne ku-xigeenada Jubbaland.

Kulan ay maanta magaalada Kismayo ku yeesheen Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa lagu dhaariyay kuxigeenadii hore ee madaxweynaha ay doorashadiisa buuqa badan ka dhalatay ee Ahmed Mohamed Islam Ahmed Madoobe.
Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa cod gacan-taag ah ku ansixiyay Madaxweyne ku-xigeenka koowaadiyo labaad ee Jubbaland.
Madaxweyne kuxigeenka 1-aad Maxamuud Sayid Aadan iyo Madaxweyne kuxigeenka 2-aad Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud ayaa ansixinta kadib lagu hor dhaariyey golaha wakiilada ee dowlad goboleedka Jubbaland.