Wararka

Golaha Shacabka oo Meel mariyay Wax ka bedelka Sharciga Waxbarashada Heerka 1-aad, 2-aad iyo Tacliinta Sare .

Mudaneyaaasha Golaha Shacabka BJFS ayaa maanta ansixiyay Wax ka bedelka Sharciga Waxbarashada Heerka 1-aad, 2-aad iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo uu shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa waxaa soo xaadiray 170 Mudane iyaga oo dhammaantood “Haa” ugu codeeyay ansixinta Sharciga Waxbarashada.

GolWasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdillaahi Abuukar Xaaji oo ka hadlay Golaha ayaa u mahad celiyay Mudaneyaasha Golaha Shacabka ee ansixiyay Sharciga Waxbarashada isaga oo si gaar ah na ugu mahad celiyay Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha Shacabka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close