Wararka
Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo ansixiyay sharciga Batroolka.
Baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya ayaa goor dhow cod aqlabiyad leh ku ansixiyay sharciga Batroolka oo kullamadii u dambeeyay aad looga doodday.
Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta meel mariyay sharciga batroolka dalka,kaasi oo ay soo gudbisay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Kullankaan oo ahaa mid ansixintiisa isha lagu haayay ayaa waxaa soo xaadiray 154 xildhibaan,iyadoo cod gacantaag ah la galiyay.
150 xildhibaan ayaa codka ogalaansho ee ‘Ha’ ugu codeeyay sharciga, waxaa diidday 4 xildhibaan, mana aysan jirin cid ka aamustay.
Qaar kamida Dowlad-gobolleedyada dalka ka jira ayaa ka hor yimid ansixintii ay ansixiyeen xukuumada Fedaraalka sharcigaan isagoo silamid ah sharcigaan uu kamid ahaa qodobadii laisku mari waayay shirkii ka dhacay magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.