Wararka

Golaha Dhaqanka Jubaland oo kasoo horjeystay go’aankii Guddiga Doorashooyinka Jubaland.

Golaha Dhaqanka Jubaland ayaa ka hor yimid qoraal ay shalay soo saareen Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland qoraalkaas oo lagu shaaciyay magacyada qaar kamida ergada soo xuli doonta Xildhibaanada baarlamaanka Cusub ee uu yeelan doona Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Golaha Dhaqanka Jubaland oo maanta Magaalada Kismaayo  kulan ku yeeshay ayaa soo saaray qaraar ay ugu soo horjeyteen Liiska ergayda lagu sheegay in ay noqon doonaan kuwa sooxuli doona Xildhibanada Jubbaland waxaa ayna ku sheegeen in liiskaas uu yahay mid gacan kusamays ah.

Haddaba Hoos ka akhriso qaraarka ay soo saareen Golaha Dhaqanka Jubaland:

1. Golaha Dhaqanka Jubaland waxu si adag uga soo horjeedaa liiska sharcidarrada ah oo lagu sheegay in uu soo xulayo xildhibaanada Jubaland ee 2019-2023 iyo qaabka loo qoondeeyay oo ah ku takri-fal mas’uuliyadeed.

2. Golahu waxuu xaqiijinayaa in dadka lagu xusay liiskaas, tira kooban ma’oyaane, ay yihiin kuwo gacan ku samays ah oo aanan matalin hoggaanka dhaqanka ee beelaha Jubaland looguna tala galay in lagu afduubto hannaanka doorashada Jubaland.

3. Golahu waxuu hoosta ka xarriiqay in guddiga soo saaray liiskan uusan awood sharci iyo mid dhaqan toona u lahayn calayma-saarka hoggaan dhaqan oo cusub iyo xil ka qaadista kuwa sharci ah. Waxu guddigaasi si cad ugu xad gudbay habdhiska dhaqanka iyo rabitaanka beelaha Jubaland.

4. Golahu waxuu si dhaqsa ah u billaabayaa wada-tashi bulsho iyo soo xulista xildhibaanada rasmiga ah ee Jubaland.

5. Golaha Dhaqanka Jubaland waxuu si weyn uga walaacsanyahay hab-dhaqanka maamulka Jubaland uu ku minja-xaabinayo hannaanka doorashada Jubaland, isaga oo adeegsanaya kali-talisnimo, tala marooqsi iyo ku takarifal awoodeed si uu mar
kale talada Jubaland ugu hanto hab baal marsan sharciga iyo dowladnimada.

6. Golahu waxuu farayaa maamulka Jubaland in uu ka baaqsado tillaaba kaste oo jubaland u horseedi karta qalalaaso amni, siyaasadeed iyo bulsho waxuna madaxda Jubaland ku dhiirra galinayaa qabashada doorasho xor iyo xalaal ah oo loo dhanyahay. Dhib kaste oo ka dhasha falalkaan talo-marooqsiga ah, waxa
masuuliyaddeeda qaadi doona hoggaanka Jubaland.

7. Waxuu golahu sharci darro u arkaa oo uusan marnaba aqbali doonin qaab ku dhisan xulis 3 xildhibaan oo uu maamulka Jubaland mid ka dooranayo. Dadaal kaste oo lagu bixiyo hab-doorashadan gurracan waxu noqon doonaa mid aan sinnaba u meel marin.

8. Waxu golahu ugu baaqayaa dowladda federaalka ee Soomaaliya ee dalka masuulka ka ah in ay gudato waajibka kaga aaddan doorashada Jubaland ee haatan cakiran.

9. Golaha Dhaqanka Jubaland waxuu ugu baaqayaa bulshada caalamka ee taageerta horumarka, guud ahaan Soomaaliya, iyo gaar ahaan Jubaland, in ay il gaara ku eegto dhacdooyinka la xariira doorashada Jubaland ee sii murgaysa.

10. Waxu golahu ku boorinayaa shacabka Jubaland ee sharafta leh nabad iyo
wadajir.

Galaha Dhaqanka Jubaland Kismaayo, Jubaland, Soomaaliya.

E-mail: golaha.dhaqankaj@gmail.com

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close